Geeraar Jaceyl Oo Xul Ah Kuwii Ugu Dambeeyay

 

Wаxааd rаbtаа in ааd bаrаtо geerааr jасeyl ah gaar ahaan kuwo xul ah, isticmaalka geerааr jасeyl rоmаntiс ah waa waxa ugu fudud ee aad ku soo jiidan karto qalbiga qofka aad jeceshahay. U dir lamaanahaaga geeraar jaceyl ah qaasatan kuwaan soo socdo oo kale.

Halkani kama baran doontid geeraar jaceyl ah oo kaliya ee sidoo kale waxaad ku baran doontaa erayo jaceyl ah oo qalbiga soo jiidanayo kuwii ugu dambeeyay 2022.

ddii aan nahay dhalinyaro waxaan jecelnahay in aynu adeegsano geeraar jaceyl ah qaasatan kuwii ugu dambeeyay ee 2022.

Sida loo geeraaro qaasatan geeraaro jaceyl ah ma ahan sida barashada cilmiga    Gadiidka.

Waa wax fudud: Qof walbaa ayaa baran karo.

Goormee la isticmaalaa geeraar jaceyl ah?

Marka aad qof jeceshahay waa muhiim in aad u dirto geeraar jaceyl gaar ahaan kuwo qalbiga lamaanahaaga soo jiidanayo.

Haddii aan hadalka sii jilciyo, geeraar marka ay lamaanahaagu taagan tahay fadhiisin karo, marka ay socoto istaajin karo, marka aad kala tagtaanna xusuus gelin karo.

Kaas ayaa la dhahaa geeraar jaceyl oo qalbiga taabanayo.

Waxaa laga yaabaa in aad arki jirtay Aktarka caanka ah ee reer Hindiya oo lagu magacaabo Amir Khan Ah oo geeraarayo. Sida marka uu dhahayo:

Haadka samada duuliyo

Hibashada kalgacalkaan

kaa heebinaayoo

Ma hurdo habeenkii

Ma harsado dharaartii

Haka baqin sheekada

Hadal kuu dhameeyoo

Kuu huurshay mirahee

Maqasheyee

Ma heysaa macaaneey

Aamir Khan

Waaw waad ka baxsatay, geeraar macaan ah ayaa kaa baxayo. Taasi waxa ay ku tusineysaa in geeraarku uu yahay waxyaabaha cajiibka ee aad sida fudud ugu soo jiidan karto qalbiga lamaanahaaga.

Hadaba ka hor inta aadan u dirin lamaanahaaga geeraar jaceyl oo soo jiidasho leh waxaa fiican in aad taqaano geeraarada ay sida qaaaska ah u jeceshahay lamaanahaaga.

Lamaanaha ayaa ku kala duwan dookha    geeraar     caashaq, qaar baa jecel geeraar jaceyl oo calaacal ah halka kuwa qaar ay jecelyihiin geeraar jaceyl oo amaan ah.

Sidoo kale lamaanaha ayaa iyana xiiseeyo adeegsiga    erayo jaceyl ah  gaar ahaaan kuwo qalbiga soo jiidanayo.

Halkani waxaan kuugu diyaarinay erayo aan isdhaheyno, waxaad u diri kartaa lamaanahaaga, kuwaasoo ah erayo jaceyl ah kuwii ugu dambeeyay 2022.

Post a Comment

0 Comments