Cabdirashiid Sharmaarke

Wuxuu dugsiga Quraanka iyo waxbarashadiisii dhameeyay sanadkii 1936dii , wuxuu bilaabay in uu noqdo ganacsade ka dibna shaqaale ka shaqeeya howlaha maamulkii Talyaaniga ee maxmiyadda, wuxuu noloshiisa ku qaatay wixii intaas ka dambeeyay magaalada muqdisho.

Wuxuu ka mid noqday ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo yaqaanay Somaali Youth League (SYL) waxyar ka dib markii la aasaasay sanadkii 19643dii , wuxuuna ku biirey maamulkii Ingiriiska ee Soomaaliya.

Wuxuu waxbarashadiisii dugsiga sare dhameystay 1953dii , isagoo wali la shaqeynaya maamulkii maxmiyada ee Talyaaniga, wuxuuna helay deeq waxbarasho ah dalka  Talyaaniga  gaar ahaan Jaamacadda Rooma “La Sapienza”, halkaas oo uu ka qalin jabiyay sanadka markuu ahaa 1958dii, wuxuuna sanad ka dib ku soo laabtay dalka Somaaliya, ka dibna waxaa loo doortay in uu noqdo xubin ka tirsan Golihii lagu magacaabi jirey Somaali Legislative Assembly .

Markii ay Soomaaliya noqotay dal madaxbannaan 1dii bishii July 1969 , wuxuu noqday Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee ay yeelato dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wuxuu markiiba bilaabay in uu dadaal u galo sidii uu guulaysan lahaa dhinaca arrimaha dibadda, wuxuuna dalka Ra’iisul Wasaare ka ahaa illaa 1964tii 

Ka dib doorashooyin dalka ka dhacay wuxuu mar kale noqday xubin ka tirsan baarlamaanka Somaaliya. Sanadkii 1967dii doorashooyin la qabtay laguna dooranayay madaxweyne cidda ka noqoneysa dalka ayaa loo doortay in uu dalka Madaxweyne ka noqdo, ka dib markii doorashooyinkii dhacay uu kaga guuleystay madaxweynihii xilka kaga horreeyay ee Soomaaliya  Adan Cabdulle Cumaan “Aadan Cadde”, wuxuuna xafiiska kala wareegay isla sanadkaas oo ku beegan 10kii Luuliyo 1967kii.

Labo sano ka dib markii uu dalka Madaxweyne ka noqday ayaa askari ka tirsan ciidamadii ilaalada ka hayay ayaa toogasho ku dilay 15kii bishii Oktoobar 1969kii , isagoo booqanaya gobolada Waqooyiga Somaaliya halkaas oo ay abaaro ka dhaceen.

Lix maalmood ka dib markii dilku dhacay ayay ciidamadii dalka talada xoog kula wareegeen iyada oo wali lagu jiro baroordiiqda madaxweynahaasi la dilay. Waxaana 21kii Oktoobar 1969kii dalka Madaxweyne ka noqday S/Gaas Maxamed Siyaad Barre oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Somaaliya. wuxu tagay

Allaha unnaxariisto..

Post a Comment

0 Comments