MAAHMAAHYO

 

Maahmaahyo tiroley ah: Labo Tiroley

Waxaan mareegta  idin kugu soo gudbineynaa Qormadaan oo aad kaga boggan doontaan  Maahmaahyo Tiroley Ah Labo Tiroley oo waaya aragnimo aad ka dhaxli doontaan. 

Labo waa loo yaabaa

  1. walaal war xidid leh.
  2. xidid war walaal ah.

Labo ma labo yaro

  1. Hal fiican ninkii leh ma caano yara.
  2. naag fiican ninkii lihina ma sed yara.

Labo muuqaaga ayey ku farxaan

  1. martidaada
  2. maalkaaga

Labo waa kuwii af gaaban

  1. Aqal
  2. Inan

labo sida ay wax u arkaan uma sheegaan

  1. Umuliso
  2. Oday

Labo geeridaada ayey jecelyihiin

  1. Doqon sokeeyey
  2. Dirir shisheeye

Labo waa labo

  1. Xidid waa xarig xoolaad
  2. Tolna waa xarig geed

labo maqnaantaada ayey ku farxaan

  1. Adeegahaaga siicilowga ah
  2. Afadaada macsileyda ah

Labo afkooda ayey u dhintaan:

  1. Inan.
  2. Agoor.

Labo waa la kaalaa:

  1. Caaqil sokeeye.
  2. Caale shisheeye.

Labo beraa la helaa:

  1. Gaalo baqatay.
  2. Ban waraabay.

Labo way isdiidaan:

  1. Fal aan laabta jirin.
  2. Faruhu way is diidaan.

Labo guur ayaa lagu dhowraa:

  1. Indhaha
  2. Ibta

Labo gole iyo geed ma buuxshaan

  1. Garantooy naageed.
  2. Neef gaax badan.

Labo ayey towfiiqda ku jirtaa:

  1. Nin faruur yihiis.
  2. Nina fadaladiis.

La soco qeybaha kale ee aan soo gudbin doono insha 

Waxaan mareegta Baraare.com idin kugu soo gudbineynaa Qormadaan oo aad kaga boggan doontaan Maahmaahyo tiroley ah: Labo Tiroley oo waaya aragnimo aad ka dhaxli doontaan.

Labo waa loo yaabaa

  1. walaal war xidid leh.
  2. xidid war walaal ah.

Labo ma labo yaro

  1. Hal fiican ninkii leh ma caano yara.
  2. naag fiican ninkii lihina ma sed yara.

Labo muuqaaga ayey ku farxaan

  1. martidaada
  2. maalkaaga

Labo waa kuwii af gaaban

  1. Aqal
  2. Inan

labo sida ay wax u arkaan uma sheegaan

  1. Umuliso
  2. Oday

Labo geeridaada ayey jecelyihiin

  1. Doqon sokeeyey
  2. Dirir shisheeye

Labo waa labo

  1. Xidid waa xarig xoolaad
  2. Tolna waa xarig geed

labo maqnaantaada ayey ku farxaan

  1. Adeegahaaga siicilowga ah
  2. Afadaada macsileyda ah

Labo afkooda ayey u dhintaan:

  1. Inan.
  2. Agoor.

Labo waa la kaalaa:

  1. Caaqil sokeeye.
  2. Caale shisheeye.

Labo beraa la helaa:

  1. Gaalo baqatay.
  2. Ban waraabay.

Labo way isdiidaan:

  1. Fal aan laabta jirin.
  2. Faruhu way is diidaan.

Labo guur ayaa lagu dhowraa:

  1. Indhaha
  2. Ibta

Labo gole iyo geed ma buuxshaan

  1. Garantooy naageed.
  2. Neef gaax badan.

Labo ayey towfiiqda ku jirtaa:

  1. Nin faruur yihiis.
  2. Nina fadaladiis.

La soco qeybaha kale ee aan soo gudbin doono inshallah

Post a Comment

0 Comments