ERAYO JACEYL


        ERAYO JACEYL




Waxaa halkaan idin kugu soo gudbineynaa qormo ku saabsan erayo jaceyl - erayo naxariis badan - erayo jaceyl oo gaaban. erayo jaceyl oo naxariis badan Dadka...

Waxaa halkaan idin kugu soo gudbineynaa qormo ku saabsan erayo jaceyl – erayo naxariis badan –  erayo jaceyl  oo gaaban.

erayo jaceyl oo naxariis badan

Dadka taan ka doortaay Dareenkii wadnahaygaay
Diirkii jirkeygaay
Dooqeygu tuu raacaay
Waxaan kuu soo dirayaa
Salaan daacad ahoo debecsan
Diiranoo duunyoo idil iyo
Doolarka ka qaalisan
Oo dubka sareetiyo
Halbowlaha dacaladiisiyo
Ku dahaaran qalbiga
Oo diiwaanka wadnihiyo
Ku daboolan caloosha
Ee adigana ha daayicinoo
Haygu sii deynin duurkee
I daryeel macaaneey
Daa’inkii ina uumayna

Waxaan kaaga dalbayaa

Deeq inuu ku siiyiyo
Caafimaad derejo leh
Intaa dabadeed aan
Aan iska dabro salaantoo
Aan usoo daadago
Dulucdiyo ujeedada
Inanyahay dartaa baan
Duhur iyo habeen
Hurdadii u diiday
Anfacadiinna u daayay
Jaceyl bey duufsadoo
Duufaannada waxqaadiyo
Igu diray dabeylaha
Ee intaanan dulloobinoon
Duurka gelin
Idugaaliyoo idaawee
Ila duubo gacalooy

 

 


Post a Comment

0 Comments